Dowladda Ingiriiska ayaa safiir cusub usoo magacawday Soomaaliya kaasoo bedeli doona Safiirka waqtigiisa dhammaaday ee xilligan.
Safiirkan cusub oo kasoo shaqeeyay dalal dhowr ah ayaa waxaa lagu magacaabaa David Concar, wuxuua bedeli doonaa safiirada xilka sii heystay Harriet Mathews oo xil cusub loo magacaabay.
Qoraal kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in safiirkan cusub xafiiskiisa uu la wareegi doono marka Bisha Janaayo ee sanadka 2017, waxaa kaloo warka lagu sheegay David Concar inuu yahay in aqoon uleh shaqadaan kana shaqeyn doona adkeynta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo UK.
Safiirka la magacabaay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in xilka loo magacaabay oo aanu sugi karin inta uu xilka kala wareego Janaayo 2017.
Thrilled to be next UK Amb to #Somalia. Can't wait to arrive in Jan to build on fab work of @HarrietLMathews. Head down preparing till then!
— David Concar (@DConcar) November 17, 2016
Goobjooge.com