Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Qarax Miino oo ka dhacay duleedka Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Gaari ay la socdeen Injineero Turki ah oo dhisaya Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga ay la socdeen Injineerada oo noociisu ahaa Toyota Hilux uu qaraxu ku qabsaday agagaarka xarunta degaanka Garas-baaleey ee duleedka Muqdisho, waxaana dadka goobjoogayaasha ah ay soo sheegeen in qaraxa oo ahaa miino jidka dhinaciisa la dhigay ay ku dhaawacmeen Injineer Turki ah iyo Saddex askari oo ilaalo u ahaa.
Waxaa goobta gaaray ciidamada Amniga ee ka ag dhowaa halka qaraxu ka dhacay, iyadoo in muddo ah hakad la geliyey isu socodka dadka iyo Gaadiidka wadadda. waxaana isbitaallada magaalada Muqdisho loo qaaday dhaawacayada qaraxaasi.
Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in Injineerka dhaawacmay ayaa waxaa uu kormeerayay dhismaha ka socda Waddada. Dhismaha Jidka Muqdisho iyo Afgooye waxaa qandaraaskiisa qaatay shirkad Turki ah oo qandaraasyo kale siisay shirkado Soomaai ah, waxaana maalgelineysa Dowladda Qatar.
Ma jirto cid sheegatay qaraxan, iyadoo aanay weli wax war ah kasoo saarin Hayadaha Amniga dowladda Soomaaliya.
