Monday, June 23, 2025

Injineero Ajnabi ah oo lagu dhaawacay Qarax ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaawacay Injineero Ajnabi ah oo la shaqeynayey shirkad korontada ee Muqdisho ka jirta.

Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka la geliyo, waxaana lala beegsaday Gaari ay la socdeen Injineeradda iyo ilaalo la socotay, waxayan wararku sheegayaan inay ku dhaawacmeen laba Injineer oo ajnabi ah, mid Somali ah iyo qof ilaalo ah oo la socday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Injineerada ajnabiga ah ay ahaayeen Shiinees, iyadoo dhaawacooda la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo midkood dhaawaciisu culus yahay.

Ad

Hay’adah amniga ayaan wax faahfaahin ah ka bixin, iyadoo falkan imaanayo qarax kale oo dhowaan Muqdisho lagula beegsaday dhaqaatiir Siiriyaan ah oo midkood uu markii danbe u geeriyooday dhaawicii gaaray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON