Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in isku inqilaab oo ay isku dayeen ciidamo ka tirsan milateriga Turkiga uu fashilmay.
Isagoo u soo duulay caasimadda Istanbuul ayaa madaxweynaha Turkiga uu caddeeyay in Inqilaabka fashilmay wuxuuna ku eedeeyay in qaar ka mida ciidamada oo uu ku tilmaamay argagixiso tallaabo laga qaadayo oo ay haddaba socoto sida uu yiri in la xirxiro.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii rasaas ka dhacday magaalada Istanbuul isla markaana goobo muhiim ah ay qabsadeen ciidamo, waxaana hawada magaalada lagu arkay diyaaradaha dagaalka iyadoo ay koox milateri ah oo la baxday Golaha Nabadda ay shaaciyeen inay la wareegeen talada dalka Turkiga.
Ciidamadan ayaa qabsaday qeybo badan oo ka mida magaalada Istanbuul iyo xarumaha waaweyn ee muhiimka ah ee dalkaasi oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha iyo xarumaha warbaahinta ee magaalooyinka Ankara iyo Istanbul.
Qalalaasaha waxaa ku dhintay 47 qof oo 17 ka mida ay yihiin askar Boolis ah iyo dad shacab ah. In ka badan 102 ka mida ciidamada inqilaabka ku kacay ayaa la xiray, waxaana weli kala caddeyn xaaladda, iyadoo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu muddo 4 jeer ah saxaaadda la hadlay isagoo xaqiijinaya inuu fashilmay inqilaabka.
Dadweyne fara badan ayaa isu soo baxay oo ka hor tegay ciidamada, waxaana qaarkood la arkayay iyadoo Taangiyada ugu galay ciidamada oo ka tuuraya askartii ku jirtay. Waxaaa xaaladu ay noqotay mid kacsan inkastoo inqilaabku u muuqdo inuu fashilmay. Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay in xaalada gacanta lagu hayo lana qabtay inaa 130 saraakiil iyo askar.
UPDATE:
Madaxweyne Turkiga Ordogan oo goor dhoweyd ka hadlay Garoonka diyaaradaha Istanbul isagoo ku dhex jira kumanaan shacab ah ayaa sheegay inuu gebi ahaanba dhammaaday afgembigii ay isku dayeen qaar kamida ciidamada Turkiga.
Ordogan wuxuu ku dhaartay inuu tallaabo ka qaadi doonta kuwa ku kacay khiyaanada Qaran ee isku dayay afhembiga.
Waxaa goor dhoweyd la magacaabay taliye KMG ah oo ciidamada Turkiga yeelan doono kadib, waxaana taliyaha cusub lagu magacaabaa Umit Dundar.
Baarlamaanka Turkiga o dhismihiisa la duqeeyay ayaa loogu yeeray kulan degdeg oo ay yeelan doonaan 2-da Duhurnimo ee maanta.
Weli waxaa magaalada Ankara ka jira xaalad kacsan iyadoo ciidamada halkaas ee taageeraya inqilaabka ay Reuters u direen qoraal ay ku sheegeen inay weli dagaalmayaan.
WAR CUSUB
Ciidamada loo qabtay inay ku lug lahaayeen Inqilaabka ayaa tiradooda hadda la sheegay inay gaareyso 1563 askari.
Dagaal saaka ka dhacay xarunta Baarlamaanka Turkiga ayaa lagu dilay 16 askari iyadoo lagu qabtay 250 kale sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha gudaha Turkiga.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com/Wakaalado