Agaasimaha Mahcadka Cilmi baarista ee Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa sheegay inuu dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ay ku fashilantay inay dalka gaarsiiso Doorasho Qof iyo Cod ah.
“Madaxweynaha Soomaaliya waa inuu wajahaa xaqiiqada ah in dowladiisa ay ku fashilantay suuragelinta Doorasho Qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda..” ayuu yiri C/rashiid Khaliif oo caddeeyay in Guddiga Doorashada ay shaaciyeen inaysan doorashadaasi ku dhici karin xilliga sharciga ah ee dowladani ay heysato.
“Intii uu Madaxweynaha kusoo celcelin lahaa waxaan rabaa Doorasho Qof iyo cod ah.. waa inuu yiraahdaa: fadlan waxaan u baahanahay muddo kordin..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasimaha Machadka Heritage oo si cad bannaanka usoo dhigay waxa ay ka dhigan tahay qorshaha uu Madaxweyne Farmaajo ku dhegan yahay ee Doorasho Qof iyo Cod ah.