Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee dalka Qatar.
Lix Gantaal ayay Iran u adeegsatay weerarka. Iran ayaa hore ugu wargelisay dowlada Qatar weerarka, iyadoo saacado ka hor weerarka ay dowladda Qatar xirtay hawadeeda, waxaana dhammaan diyaaradihii kusoo socday loo wareejiyay garoomo kale, halka la joojiyay diyaaradihii duuli lahaa, waxaan la xaqiijiyay in Iran ay u sii digtay dalka Qatar, kuna wargelisay weerarka.
Ciidamada iyo diyaaradaha dagaalka ee saldhigaasi yaallay ayaa laga qaaday, waxaana loo diyaar garoobay weerarkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.
Weerarka Iran ayaa jawaab u ahaa duqeyntii Mareykanka ku qaaday xarumihii Nukliyeerka Iran ee Fordo, Isfahan iyo Ntanz, isagoo garab siinaya dagaalka Israel ay kula jirto Iran.
Wasiiradda Difaaca ee Qatar ayaa sheegay in la fashiliyay gantaalihii lagu soo beegsaday saldhigga Al Cudeyd, oo ah xarunta milatari ee ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe, isla markaana aysan jirin wax qasaare ah oo dhimasho ama dhaawac leh oo ka dhashay.
Waxaa hawada magaalada Doha ifiyay gantaalaha difaaca cirka ee looga hortegay sawaariqid Iran, iyadoo guud ahaan gobolka Bariga dhexe heegan la geliyay ciidamada Mareykanka ee ku sugan.