Wednesday, October 21, 2020
More

    Is-afgarad wadashaqayn ah W/Caddaaladda KGS iyo Barnaamijka Balaarinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda

    War Saxaafadeed

    Xafladda daahfurka is-afgarad wadashaqaynta Wasaaradda Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda

    Ad

    Goobta: Baydhabo, Koonfur Galbeed Soomaaliya

    Waqtiga: Axad 20ka Sebteembar 2020

    Maanta waxaa is-afgarad wadashaqayneed gaadhay Wasaaradda Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda. Iyadoo la tixraacayo is-afgaradka la kala saxeexday, Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda ee Soomaliya wuxuu wadda shaqayn dhaw la yeelan doonaa Wasaaradda Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya si kor loogu qaado loona balaadhiyo adeegyada cadaalada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

    Iyadoo loo marayo isfahankan, Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxuu wadda shaqeyn la yeelanayaa Wasaaradda Caddaaladda si kor loogu qaado tayada iyo helista kaalmada caddaaladda ee dadka Soomaaliyeed. Gaar ahaan, Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxu ka taageeri doonaa tayaynta Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

    is-afgaradkan waxaa lagu saxeexay, xaflad uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Xassan, iyo Madaxa Barnaamijka Balaadhinta Helitaanka Cadaaladda, Mudane Anton Pestana.

    “Wasaaradda Caddaaladda waxay mas’uul ka tahay adeegyada cadaaladda ee Dowlad Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Waxaan u aragnaa iskaashiga aan la leenahay Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda inuu yahay xidhiidh istiraatiiji ah oo muhiim u ah Wasaaradda si ay u gaarto waajibaadkeeda ah hagaajinta adeegyada caddaaladda. Waxaan ku faraxsanahay inaan saxeexnay is-afgaradkan waddashaqyaneed oo aan iskaashi la yeelanno Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda, isla markaana aan xaqiijino sida ay nooga go’an tahay inaan sii wadno tayaynta caddaaladda ee Soomaaliya. Waxaan sidoo kale fursaddan uga faaidaysanayaa in aan u mahad celiyo USAID, oo ah deeq bixiyaha Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda, sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay inay taageeraan caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya” ayuu yidhi Mudane Maxamed Xuseen Xasan, Wasiirka Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    “Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxuu taageerayaa abuurista jawi ku haboon kor u qaadista kaalmada caddaaladda ee ilaalineysa isla markaana dhiirrigelineysa xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, waxaanu taageerayaa daneeyeyaasha caddaaladda – oo ay ku jiraan hay’adaha caddaaladda iyo bulshada rayidka. “Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxuu rajeyneyaa inuu taageero Wasaaradda Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya si ay u gudato kaalinteeda hoggaamineed ee helitaanka caddaaladda, si loo siiyo adeegyo wax ku ool ah dhammaan muwaadiniinta. Barnaamijku waxaa kaloo uu taageeri doonaa daneeyeyaasha cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya,” ayuu yidhi Madaxa Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda, Anton Pestana.

    Dhammaad

    Ogaysiin Tifatirayaasha

    Faahfaahinta sooyaalka Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda raadraaciisa ayaa ku lifaaqan warsaxaafadeedkan.

    Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Hawlaha Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda iyo waxqabadkiisa waxaa kala socon kartaa baraha bulshada sida:

    Twitter: @EAJProgram
    Website: https://www.eajprogram.org/
    Email: [email protected]Moobayl: + 254720376376

    Email: [email protected]

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,050FollowersFollow
    5,645FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,050FollowersFollow
    5,645FollowersFollow

    TOP NEWS

    6 Milyan Doollar oo si Musuq ah loogu lunsaday Wasaaradda Caafimaadka Somaliya (Dhageyso Galka Baarista)

    Musuqmaasuq lacago Malaayiin Doolar ah lagu lunsaday ayaa ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, iyadoo dhaqaale loogu deeqay horumarinta caafimaadka la marsiiyey...

    XOG: Wasiirada xilalkooda waayey iyo sababta mid waliba uga baxay Golaha Wasiirada (Akhriso)

    Golaha Wasiirada xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa xilalkoodii ku waayey 12 wasiir oo u...

    AKHRISO: Magacyada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan Wasiirada cusub iyo Miisaanka shanta Beelood

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dahwaaqay Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 70 xubnood, haddaba waxaan isin...

    Imaam Max’ed Yusuf oo Digniin culus u diray Cali Mahdi. “Reer Imaam ha isku dirin, haddii kale adigoo sidaan..”

    Imaamka Beelaha Muddulood ee xilka sii haya Imaam Maxamed Yuusuf ayaa digniin culus u diray siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo Muqdisho ka...

    Maxaa Koonfur Galbeed looga reebay Qoraalka Ra’iisal wasaare Rooble u kala diray Maamul Goboleedyada..?

    Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa laga reebay qoraal uu Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya u kala diray maamul Goboleedyada Dalka.

    Imaam ay Beesha Abgaal isku khilaafsan tahay oo lagu duubay Hotel ku yaalla Muqdisho (Warbixin xasaasi ah)

    Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad lagu caleemo saarayo Imaam cusub oo Beesha Abgaal yeelato, kadib khilaaf in muddo ah ka taagnaa...

    Xasan Sheekh: “Diyaar ayaan u nahay Doorashada, Afartii sano wax kaleba kama shaqeyneynin…”

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka jawaabay su'aal ku saabsan diyaargarowga Doorashada ee mucaaradka oo muddooyinkan danbe la hadal...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!