Monday, October 26, 2020
More

    Ruth Ginsburg: Iyadoon la aasin ayaa xilkeeda la isku heystaa – Cajuusadii ugu sareysay Garsoorayaasha Mareykanka

    Geerida Haweeneydii ka mid ahayd Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Mareykanka Ruth Bader Ginsburg ayaa dagaal siyaasadeed oo ku saabsan xilkeeda ka dhashay dalka Mareykanka iyadoo aan weli la aasin.

    Xisbiyada Jamhuuriga ee talada haya iyo Dimoqraadiga ee mucaaradka ah ayaa isku maandhaafay xilliga ay tahay in la buuxiyo booskii ay banneysay Ginsburg oo ahayd 87 sano jir u geeriyooday cudurka Kansarka, waxaana Madaxweyne Trump uu ku adkeystay inuu degdeg soo magacaabayo qof haweeney ah oo lagu bedelayo.

    Ad

    Xisbiga Dimoqraadiga ayaa diidan in xilligan oo doorashada Mareykanka ay ka harsan tahay laba bilood uu Madaxweyne Trump magacaabo Garoorihii bedeli lahaa haweeneyda geeriyooday oo ahayd qof u dooda xuquuqda haweenka oo afkaarteedu tahay Liberal raacsan dhinaca Dimoqraadiga.

    Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Golaha Senet-ka Mareykanka ee Jamhuuriga ah ninka lagu magacaabo Marck McConnell oo xaaladda uga sii daray markii uu sheegay inuu Golaha u codeyn doono Garsooraha uu soo magacaabo Madaxweyne Trump, waxayna arrintan ka hor imaaneysaa tallaabo uu sanadkii 2016 ku hor istaagay Garsoore uu magacaabay Madaxweyne Obama oo lagu magacaabi jiray Merrick Garland, isagoo ku dooday inay tahay xilli doorasho oo dib loogu dhigo doorashada kadib.

    Cajuusada xilkeeda la isku heysto ee muddada dheer ka tirsaneyd Maxkamadda Sare waxay fiidnimadii Jimcaha u geeriyootay cudurka kansarka. Ruth Ginsburg, oo aheyd haweeneydii labaad ee garsoore ka noqota Maxkamadda Sare, ayaa ku dhimatay gurigeeda oo ku yaal caasimadda Washington. Ginsburg ayaa ahayd ololeeye xuquuqda dumarka ah waxayna ahayd garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare illaa 1993-kii.

    Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa ah tan ugu sareysa cadaaladda dalkaasi, waxaana garsoorayaasheeda 9-ka ah soo magacaaba Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo uu ansixiyo Golaha Senet-ka, waxayna xilka hayaan ilaa ay ka geeriyoodaan.

    Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka Joe Biden iyo madxweynihii hore ee Barack Obama ayaa ka hor yimid qorshaha Jamhuuriyiintu ku doodayaan inay buuxiyan booskii ay ka baxday Garsoore Ruth Ginsburg.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,066FollowersFollow
    5,660FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,066FollowersFollow
    5,660FollowersFollow

    TOP NEWS

    Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday Alshabaabkii ka baxsaday Xabsiga Dhexe iyo 9 Askari oo ka tirsan…

    Maxamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday 11 Qof oo ku eedeysan weerarkii ka dhacay...

    Jid muddo Sanado ah u xirnaa Safaarado oo la bilaabay in Dhagxaanta iyo Shubka laga qaado

    Jid muhiim ah oo muddo sanado ah u xirnaa safaarado kala duwan ayaa waxaa hadda socda howl adag oo dhagxaanta looga qaadayo.

    Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacii ka bedelay xilliga ‘Kala-guurka’ ee xukuumadiisu kusoo beegantay

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magaca ka bedeley waqtiga 'KALA GURKA' ah ee ay xukuumadiisa kusoo beegantay, iyadoo dalku doorasho gelayo mudaddii...

    Xukuumaddii ugu waqtiga yareyd ee Ra’iisal wasaare Rooble oo la ansixiyey iyo Wasiirada oo la dhaariyey

    Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta codka kalsoonida siyey Xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo Barnaamijkeeda. Golaha wasiirada...

    Ganaax lagu riday Haweeney ah Xeer ilaaliye ku-xigeen oo khilaaf ka dhaliyay Hay’adaha Garsoorka (Akhriso)

    Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo xafiiska Xeer ilaalinta Guud kadib markii ganaax lagu riday haweeney ah...

    Kulan magaalada Nairobi ku dhex maray Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Shariif iyo Arrimaha looga hadlay

    Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya uu magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynhii hore Shariif Sheekh...

    Weriye C/llaahi Kulmiye: “Nabadsugidda iyo ciidamada Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isoo weerarray..”

    Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow oo maanta laga sii daayey xabsiga Godka Jilacow oo uu muddo 5 maalin ku dhowaad ah ku jiray...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!