Wednesday, October 21, 2020
More

    Is-maamulka Tigree oo doortay Madaxweyne cusub, iskana diiday Doorashada Federaalka Itoobiya

    Akhriso taariikhda Madaxweynaha cusub ee Maamulka Tigreega Itoobiya iyo Maamulkaasi oo laga cabsi qabo inuu Itoobiya ka go’o

    Is-mamulka Qowmiyada Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa Madaxweyne cusub u doortay nin halgamaa ah oo hore u ahaa madxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

    Ad

    Debretsion Gebremichael ayaa loo doortay maanta inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee is-maamulka Tigreega, kadib doorasho degaankaasi iskiis u qabsaday oo uu ku diiday inuu dib u dhigo, taasoo ay sharci darro ku tilmaantay dowladda Federaalka Itoobiya.

    Madaxweynaha cusub ee Tigreega Debretsion Gebremichael wuxuu ka mid ahaa Jabhadii TPLF iyo ee talada hayey ka hor Ra’iisal wasaare Abiy ahmed; wuxuuna taageero aqlabiyad ah ka helay xildhibaannada lagu doortay doorashada dhowaan ka dhacday maamulka Tigreega.

    wuxuu ka mid ahaa jabhadii TPLF ee 17-ka sano dagaalka hubeysan la gashay dowladii milaterif Derg, wuxuuna waxbarashadiisa jaamacadda joojiyey si uu ugu biiro jabhada sanadkii 1970. Markii danbe ayuu qaatay shahaadada bachelor-kaiyo master-ka isagoo Jaamacadda Addis Abeba University (AAU) uga qalin jebiyey Injineer dhinaca Korontada ah, kadibna wuxuu PhD ka qaatay Jaamacadad 2011.

    Sanadkii 2018 ayaa loo madaxweyne ku xigeenka Tigray state oo awoodda uu heystay, inkastoo aanu madaxweyne ahayn, taasoo ay ka hortaagneyd inuusan ka mid ahayn xildhibaanadda maamulka. Wuxuu soo noqday Wasiirka Xiriirka Tiknologiyada, iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya markii uu Ra’iisal wasaaraha ahaa Hailemariam Desalegn.

    Wuxuu Debretsion Gebremichael hoggaamin doonaa halganka adag ee Tigreega kala dhaxeeya Dowladda Federaalak Itoobiya, iyadoo cabsi laga qabo in is-maamulkan uu ka goosto dowladda Itoobiya inteeda kale, wuxuuna diiday inuu qeyb ka noqdo doorashada Itoobiya.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,050FollowersFollow
    5,645FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,050FollowersFollow
    5,645FollowersFollow

    TOP NEWS

    6 Milyan Doollar oo si Musuq ah loogu lunsaday Wasaaradda Caafimaadka Somaliya (Dhageyso Galka Baarista)

    Musuqmaasuq lacago Malaayiin Doolar ah lagu lunsaday ayaa ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, iyadoo dhaqaale loogu deeqay horumarinta caafimaadka la marsiiyey...

    XOG: Wasiirada xilalkooda waayey iyo sababta mid waliba uga baxay Golaha Wasiirada (Akhriso)

    Golaha Wasiirada xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa xilalkoodii ku waayey 12 wasiir oo u...

    AKHRISO: Magacyada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan Wasiirada cusub iyo Miisaanka shanta Beelood

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dahwaaqay Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 70 xubnood, haddaba waxaan isin...

    Imaam Max’ed Yusuf oo Digniin culus u diray Cali Mahdi. “Reer Imaam ha isku dirin, haddii kale adigoo sidaan..”

    Imaamka Beelaha Muddulood ee xilka sii haya Imaam Maxamed Yuusuf ayaa digniin culus u diray siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo Muqdisho ka...

    Maxaa Koonfur Galbeed looga reebay Qoraalka Ra’iisal wasaare Rooble u kala diray Maamul Goboleedyada..?

    Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa laga reebay qoraal uu Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya u kala diray maamul Goboleedyada Dalka.

    Imaam ay Beesha Abgaal isku khilaafsan tahay oo lagu duubay Hotel ku yaalla Muqdisho (Warbixin xasaasi ah)

    Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad lagu caleemo saarayo Imaam cusub oo Beesha Abgaal yeelato, kadib khilaaf in muddo ah ka taagnaa...

    Xasan Sheekh: “Diyaar ayaan u nahay Doorashada, Afartii sano wax kaleba kama shaqeyneynin…”

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka jawaabay su'aal ku saabsan diyaargarowga Doorashada ee mucaaradka oo muddooyinkan danbe la hadal...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!