Saturday, July 12, 2025

Is-miidaamiyihii isku Qarxin lahaa Xafladii Guriceel ee Madaxda Ahlu suna oo lagu xukumay Xabsi….

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun culus ku riday Nin is-miidaamiye ahaa oo doonayey inuu isku qarxiyo Muaasabad ay ku sugnaayeen Madaxda Ahlusunna ee degaanka Guriceel  ee Gobolka Galgaduud.

Is-miidaamiyahan oo ciidamada Amniga ay qabteen wax yar ka hor intii aanu gelin xafladda 23-kii May 2019, ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Cabdi C/raxmaan, waxaana howsha u fududeeyay nin kale lala xukumay oo ah Cali-Dhubad Nuure Siyaad, iyadoo Maxkamaddu ku heshay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, iyadoo labadooda lagu xukumay xabsi daa’in.

Is-miidaamiyaha la fashiliyey ee Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan ayaa xirnaa jaakadda qaraxyada marka la qabtay, halka eedeysanaha labaad ee Cali dhubad Nuure Siyaad uu Al-Shabaab u qaabilsanaa sahminta, isagoo ahmiyey Xaflada sidoo kalena uu Xaflada keenay eedeysanaya koowaad si uu isugu qarxiyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadeynta, wuxuuna shaaciyey in labada eedeysane lagu xukumay xabsi daa’in, ayna u furan tahay rafcaan muddo bil ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON