Wednesday, July 2, 2025

Is-miidaamiyihii laga badbaadiyey Naftiisa: Sidee Dowladda caafimaadkiisa ugu bixisay $20,000?

Maxkamadda Ciidamaa Qalabka sida ayaa maanta xukun Xabsi daa’in ah ku riday Saciid Biriq Maxamuud oo aha is-miidaamiye ka tirsan Alshabaab oo Gaarigii uu waayey u qarxi waayey 15-kii June 2019.

Is-miidaamiyahan ayaa fadhigii koowaad ee Maxkamadda kaga yaabiyey markii uu sheegay inuu ka xun yahay inuu u qarxi waayey Gaarigii uu waday oo ahaa nooca NOAH, si uu janahamo ugu diro dad badan oo ku sugnaa Koontaroolka KM 4 ee laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Gaariga ayaa qarxi waayey markii uu Is-miidaamiye Siciid Biriq sameeyay wax kasta oo ay ahayd inuu Gaariga ku qarxiyo, waxaana Dab ka kacay Kursigii Darawalka, iyadoo markaas kadib ay rasaas ku fureen ciidamadii ilaalada oo dhaawac gaarsiiyey, gacantana lagu dhigay.

Dhaawaca soo gaaray Is-miidaamiyaha ayaa laga daweeyay, iyadoo muddo ay qaadatay inuu bogsado, waxayna dowladda Soomaaliya ku bixisay lacag dhan 20,000 Doolar daweyntiisa iyo in la badbaadiyo noloshiisa, sida lagu sheegay warbixinta Warbaahinta dowladda. Ma cadda sida lacagtaasi ku baxday, mana jirin caddeyn ku saabsan kharashka ku baxay caafimaadka is-miidaamiyahan.

Saciid Biriq Maxamuud oo magaca af-garashadiisa uu yahay Isticjaal ayaa sheegay inuu ku dhashay xaafadda Waxar-cadde, degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, waxay qoyskiisa u wareegeen degmad Jowhar, isagoo waxbarashada Jaamacadda uga tegay sidii ugu biiro Alshabaab.

Waxaa lagu qabtay magaalada Boosaaso, isagoo ku sii jeeda Buuraha Galgala, waxaana sii deysay Maxkamadda ciidamada Puntland markii lagu waayey denbiga, kadibna wuxuu ku biiray kooxda is-miidaamiyeyaasha Alshabab, isagoo goostay inuu isku qarxiyo Koontaroolka Km4 ee ciidamada NISA.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON