Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in qaar ka mida ciidamada taageersan Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid janan ayaa la sheegay inay gudaha u galeen magaalada, kadibna ay isku dhaceen ciidamada dowladda ee halkaasi jooga, taasoo keentay inay is-rasaaseyn dhex marto.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan C/rashiid Janan lagu amray inay hubka dhigaan, ayna diideen taasoo keentay in is-rasaaseyn ay dhex marto labada dhinac, taasoo dhalisay qasaare kala duwan.
Askari ka tirsan ciidamada C/rashiid Janan ayaa lagu dilay iska hor imaadka, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay ciidamadii koobnaa ee magaalada soo galay ay dib uga baxeen kadib is-rasaaseynta, waxaana hadda degan xaaladda Beledxaawo.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo saaka ay dhoolatus sameeyeen ciidamada xuduudka ku sugan ee ka amar qaata C/rashiid, waxaana halkaasi kula hadlay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan iyo C/rashiid Janan.