Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in iska hor imaad ciidamo kala duwan ku dhex maray isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegay in ciidamada booliska ee Isgoyska ka howlgala ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan milateriga oo watay dareyska guutada 14-ka Oktoobar, kadib markii ay diideen in la baaro halka ay ku socdaan iyo xaqiiqadooda.
Asakri ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay iska hor imaadka dhex maray ciidamada Booliska ee ku sugnaa iisgoyska KM4 iyo ciidamada milateriga, iyadoo falkaasi dhaliyey in lagu kala cararro isgoyska oo ka mida kuwa ugu mashquulka badan caasimadda.
Ciidamada Booliska ayaa sii xoojiyey baaritaanka gaadiidka magaalada dhex maraya, waxaana si weyn loo baarayaa gaadiidka ay ku jirana kuwa ay wataan ciidamada.