Monday, June 23, 2025

Is-rasaaseyn ka dhacday Magaalada Beledweyne iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu saaka aroortii dhex maray ciidamada maamulka iyo maleeshiyada Jabhadda Jeneraal Xuud.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada taabacsan Jeneraalka gadoodsan ay weerar ku qaadeen ciidamada amniga Gobolka Hiiraan oo la dhigay wadooyinka magaalada Beledweyne, gaar ahaan xaafadda Kooshin; waxaana is-rasaaseyntu ay socotay muddo daqiiqado ah.

Maleeshiyadii Jen. Xuud ayaa dib ugu laabtay xaruntooda duleedka magaalada Beledweyne ee Ceelgaal, iyadoo ciidamo badan la geeyay goobihii is rasaaseyntu ka dhacday ee magaalada Beledweyne.

Ad

Xaaladda ayaa degan, inkastoo ay xiisad ka jirto magaalada oo dhowaanahan lagu xiray dhalinyaro lagu eedeeyay abaabul ka dhan ah maamulka Hirshabeelle, lamana soo sheegin qasaare ka dhashay is-rasaaseynta saaka ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON