Monday, July 14, 2025

Is-rasaaseyn ka dhacday Magaalada Boosaaso & Sarkaal Sare oo lagu weerarray

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in is rasaaseyn dhex martay dabley weerar ku qaaday Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Berriga ee Puntland iyo ilaalada sarkaalka.

Sarkaalka la weeraray magaciisa lagu sheegay Cabdiweli Abshir Cabbaas, waxaana rasaasta dhacday la sheegay inuu ku dhinayqof kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya ee ku nool magaalada BOosaaso, iyadoo ay falkaasi kadib goobta ka baxsadeen dableydii weerarka qaaday.

Dhinaca kale ciidamada amniga ayaa howlgal ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso, iyagoo baadi goobaha dableyda magaalada dhexdeeda weerarka ka geystay.

Weerarka ka dhacay magaalada ayaa ka mida weerarro joogto oo muddooyinkii danbe ka dhacayey magaalada Boosaaso, balse weli ma jirto koox sheegtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON