Monday, June 23, 2025

Is-rasaaseyn ka dhacday Muqdisho oo lagu dilay Taliye ka tirsan Ciidamada Danab (Yaa ka dambeeyay..?)

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya is-rasaaseyn ka dhacay magaalada Muqdisho Caawa lagu dilay taliye ka tirsan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Turkigu tababarray.

Is-rasaaseynta ayaa la sheegay inay dhex maray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kala ah Boolis iyo ilaalada Sarkaalkan, agagaarka Hotelka Naasahablood II oo u dhow Guriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka Qaranka, waxaana la sheegay inuu rasaasta dhaawac halis ah ku noqday taliyihii ururka Gorgor ee ciidamada Kumaandooska Maxamed Salebaan, kadibna u dhaawacaasi u geeriyooday.

Warka ayaa intaas ku daraya in mid ka mida ilaalada Taliyihii Ururka Gorgor ee Kumaandooska isna lagu dulay is-rasaaseynta, waxaana la sheegay inay is rasaaseynta socota daqiiqado iyadoo markii danbe ay halkaasi gaareen ciidamada ilaalada Madaxtooyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON