Saturday, July 5, 2025

Isbaheysiga Musharixiinta Madaxweynaha ee Mucaaradka oo ku guuleystay 4 Qodob oo muhiim ah (Akhriso)

Isbaheysiga musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee mucaradka ah ayaa kuguuleystay qodobo muhiim ah oo ay olole u galeen si ay wax uga bedelaan Doorashada Madaxweynaha.

Musharixiintan oo 18 ka mida ay ka mideysan yihiin inay ka hortgaan dib u doorashada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadaadis weyn saaray guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashooyinka, waxayna qodobada ay ku guuleysteen ay taageero uga heleen wakiilada beesha caalamka.

Qodobadda ay ku guuleysteen waxaa ka mida:

1- Inay cadaadis ku saareen guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Doorashada is casilid kadib markii uu goob fagaare ah ka taageeray dib u doorashada Musharax Xasan Sheekh.

2- Waxay dib u soo celiyeen Doodwadaagii musharixiinta oo ay laaleen Guddiga Doorashooyinka kadib muran ka dhacay.

3- In ammaanka Doorashada laga wareejiyo taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo nabadsugidda xilligan oo ay ku eedeeyeen inay xiriir toos ah la leeyihiin musharax Xasan Sheekh.

4- In goobta doorashada laga bedelo Xarunta Gen. Kaahiye ee Gaadiidka Booliska loona raro xarunta Afisyoone.

Isbaheysiga ay leeyihiin musharixiinta mucaaradka ah ayaa muujiyay dadaal weyn oo ay ka mideysan yihiin sidii ay uga hortegi lahaayeen caddowga ay leeyihiin ee ah madacweynaha hadda xilka haya, waxayse ku guuldareysteen inay ku midoobaan hal musharax.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON