Wednesday, June 25, 2025

Isimada & Odayaasha dhaqanka Gobolka Nugaal oo kulan la yeeshay Madaxweyne Farmaajo [Sawirro]

Isimada iyo duubabka dhaqanka ee Gobolka Nugaal ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga la socda oo ku sugan Puntland.

Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hiddo Raac ee magaalada Garoowe ayaa waxaa casuumaadiisa fidiyay Isimo ay hormuud u yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay duubabka dhaqanka kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin nabadeynta iyo isu soo dhaweynta shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan hawlaha dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha ayaa inta uu safarka ku joogo Gobollada Puntland wax uu wadatashiyo la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaannadan.

Image may contain: 2 people, suit and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, beard, outdoor and closeup

Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 3 people, people sitting, table and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, beard and outdoor

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON