Saturday, June 28, 2025

Iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Iska hor imaad hubeysan oo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka, waxaana ay isku fara saareen agagaarka Bacadlaha degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Falkan ayaa ka dambeeyay markii gaari ay wateen ciidamo hubeysan uu diiday inuu u hogaansamo amarka ciidamada ilaalada ah ee ku sugnaa barta Ceelgaabta u dhow, taasoo keentay inay tacshiirad is weydaarsadaan.

Waxaa iska hor imaadka ku dhintay laba askari, waxaana la sheegay in saddex kale ku dhawacmeen, iyadoo lagu kala cararay goobta oo dad badan ku sugnaayeen, kadib rasaasta ka dhacday.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamo fara badan ay goobta tageen iyadoo la qabtay gaariga rasaasta furay.

Isku dhacyada ciidamada ayaa ku soo noqnoqday magaalada Muqdisho iyo degaanada kale, taasoo ay ugu wacan tahay anshax xumida ciidamada dhexdooda iyo maleeshiyada fara badan ee ciidamada u eg oo ilaalo u ah saraakiil iyo madax kala duwan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON