Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Shabellaha Hoose ayaa sheegayaan inuu iska hor imaad halkaasi ku dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidamadan ayaa dagaal ku dhex maray saaka gudhaa degmada Afgooye, kaasoo ka dhashay muran ku saabsan canshuur.
Ciidamada ammaanka Degmada Afgooye ayaa dagaal la galay ciidamo kale oo lacag canshuur ah dadka ka qaadayay, waxaana iska hor imaadka ka dhashay qasaare dhimashi iyo dhaawac leh.
Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya qof shacab lagu dilay dagaalkaasi, iyadoo dhaawacyo kasoo gaareen dad kale. Ma jirto wax faafhaahin ah oo Maamulka degmada Afgooye ka bixiyay arrintan.