Monday, July 14, 2025

Iska hor imaad ka dhacay Koontarool laga ilaaliyo Magaalada Boosaaso & Ciidamo is hor fadhiya…

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in iska hor imaad ku dhex maray ciidamo abaabulan oo ka tegay degaanka Carmo iyo askar ku sugan Koontaroolka laga galo magaalada.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii askarta ilaalada Koontaroolka ay u diideen ciidamadan inay galaan magaalada Boosaaso; kadibna rasaas ka dhex bilaabatay labada ciidan ayaa keentay inuu ku geeriyoodo taliyihii Koontaroolka Boosaaso, sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay ee magaalada laga helay.

Ciidamada loo diiday inay galaan magaalada ayaa wararku sheegayaan inay u abaabulan yihiin qaab beeleed, iyadoo uu watay ninlagu magacaabo Ciise Yulux. Arritan ayaa la sheegay inay dalka ku heyso xiisad ka taagan maamulka shirkad lagu magacaabo PDG oo taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee Imaaraadku taageero.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska hor imaadka ay ku dhinteen ilaa 5 qof oo labada dhinac ah; iyadoo ay weli is hor fadhiyaan labada ciidan.

Ciidamada ku socday magaalada Boosaaso ayaa loo ogolaaday inay galaan, waxayna saldhig ka dhigteen xarunta shirkadda PDG ee magaalada dhaqaalaha Puntland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON