Sunday, July 13, 2025

Iska hor imaad Muqdisho ku dhex maraya Askar ka wada tirsan Ciidamada dowladda & wararkii..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya ciidamo ka wada tirsan askarta dowlada Soomaliya uu dagaal hubeysan ku dhex maray magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadkan ayaa ka socda Isgoyska Trebuunka iyo agagaarkiisa iyadoo labada dhinac ee ciidamada dagaalamaya la sheegay inay isku heystaan Dhisme Guri ah oo ku yaalla agagaarka warshadii hore ee Coca Cola.

Dadka degaanka ayaa sheegay in labada ciidan ay dhalisay inay xiranto wadadda Trebuunka oo isku xirta qeybo badan oo magaalada ka mida, waxaana is hor fadhiya labada ciidan, iyadoo rasaas goos goos ah ay socoto.

Sarkaal ayaa la sheegay inuu ku dhintay iska hor imaadka, iyadoo laba qof oo shacab agna ku dhawacmeen, waxaana xaaladda ay tahay mid kacsan, iyadoo ciidamada milateriga ee dowladda Soomaaliya ay mararka qaarkood u dagaalamaan qaab beeleed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON