Sunday, July 13, 2025

Is rasaaseyn ka dhacday Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha

Iska hor imaad ayaa suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha ku dhex maray ciidamo xasilinta Muqidsho iyo koox abaabulan oo suuqa ka qaraabata.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhaca uu ka yimid kadib markii  cabasho ka timid koox lacago baad ah ka qaata ganacsatada suuqa, iyadoo markii lagu wargeliyay ciidamada ay dul yimaadeen kooxdaasi oo lacagihi qaadaneysa.

Rasaas ay labada dhinac is weydaarsadeen ayaa waxaa ku dhaawacmay mid ka mida dableyda suuqa lacagaha sharci darrada ah ka qaadata iyo qof shacab ah, waxaana lagua kala cararray goobta iska hor imaadku ka dhacay oo ah Qeybta kabaha oo u dhow Masjidka Daawada.

Ganacsiga ayaa muddo kooban hakad galay iyadoo ciidamo badan ay suuqa galeen, kana bilaabeen howlgal, waxaana lagu qabtay qaar ka mida dableyda suuqa ka qaraabata oo muddo dheer baad ka qaadin jirtay ganacsatada suuqa, kuwaasoo dhegaha ka fureystay digniino hore loogu jeediyay.

Xaaladda ayaa markii danbe caadi ku soo laabtay iyadoo kooxaha suuqa Bakaaraha ka howlgala dhowr jeer hub dhigis lagu sameeyay, laakiin ay shaqadooda sii wataan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON