Wednesday, July 16, 2025

Isku shaandheyn lagu sameynayo shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha & caqabado ka dhashay

Isku shaandheyn ayaa ku bilaabatay shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kadin markii uu xilka la wareegay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha ayaa agaasime u magacaabay xafiiskiisa, taasoo ahayd magacaabidii ugu horeysay, waxaana xilkaasi loo dhiibay Maxamed Keynaan oo hore u ahaa afhayeenkii Guddiga Doorashada Dadban, kana soo jeeda Puntland, iyadoo xilka laga qaaday C/salaan Salwe oo isna Puntland kasoo jeeday.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xilkii labaad ee la bedelo uu ahaa agaasimaha maaliyadda ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Muqtaar Xuseen Weheliye, kaasoo xilka qaadistiisa ay hore u dhacday intii aanu ra’iisal wasaaraha cusub xilka qaban.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu xilkan u soo xushay nin ay saaxiibo yihiin oo lagu magacaabo Bashiir C/llaahi, kaasoo hore xilkaasi uga soo qabtay xafiiska. Magacaabidda oo aan lagu dhawaaqin ayaa keentay xaalad ka dhex dhaliso beelaha ay kasoo jeedaan labada agaasime.

Waxaa laga yaabaa in magacaabidda Bashiir C/llaahi laga noqdo, taasoo ay ugu wacan tahay culeys ka yimid magacaabidiisa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON