Wednesday, June 25, 2025

Islaan Bashiir Islaan C/lle oo Cambaareeyay in Ra’iisal wasaare Kheyre diido dhagax-dhigga Dekadda Garacad

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mida odayaasha dhaqanka Isimada Puntland ayaa qarxiyey qorshe ay heshiis ku ahaayeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu dhagax dhigo Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug.

Islaanka oo ka hadlayey Garacad ayaa shaaciyey wixii dhex maray iyaga iyo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri: “Waxaan afkayga kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana u sheegay in dhismaha dekedda Garacad la dhagax dhigayo, waxaana ka codsaday in madaxda Qaranka kasoo qeyb galaan dhagax dhigga,. Wuxuu igu yiri, waan soo tashanayaa isug. Wuu igu soo laabtay wuxuuna igu yiri Ra’iisal wasaare  Kheyre baa idiin imaanaya. Kheyre Puntland waa joogaa mana noo imaan..”

Wuxuu intaas ku daray in iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyre ku sugan yahay Puntland aanu haddana tegin Garacad oo xaflad lagu dhagax dhigayo dekad ay ka socotay maanta, wuxuuna si kulul u yiri: “Madaxda Soomaaliya waxaan u heysannay iney yihiin madax qaran, laakiin taa mid ka duwan ayeey na tuseen”.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo maanta gaaray magaalada Qardho ayaa ka baaqsaday dhagax dhigii la qorsheeyay ee dekadda degaanka Garacad oo reer Galmudug ay uga digeen iyagoo u arka in looga soo horjeedo dekadda ay doonayaan inay ka dhistaan Hobyo.

WARKAN HOOSE AKHRISO

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka baaqsaday Dhagax-dhigga Mashruuc looga digay Socdaalkiisa Puntland

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON