Thursday, September 24, 2020
More

    Isma aanan Laheyn! (Weriye Qormo xanuun leh ka qoray Geerida Xaaskiisa & Xaaladii ka qabsatay Isbitaallada Muqdisho)

    W/Q: Mohamed Isse Mohamud

    Isma aanan Laheyn !!! Mar Walbaa Geerida Waa xaq, waana qasab inaan ku qanacnaa qadarta Alle, Balse Isma aan laheyn !!

    Ad

    – Isma aan laheyn adiga oo qof Xaalad deg deg ah ku jira wada, ayaa gaarigaada gurmadka deg dega xilli habeen ah laga celin doonaa albaabka hore ee Isbitaalka Digfeer (Kala wareeg kuuma heyno ICU wey naga buuxdaaye, Labo ruux oo kaasoo horeysay ayaanba meel u la’nahay oo aan soo bixin rabnaa) !!!.

    -Isma aan laheyn adigoo Qof xaalad deg deg ah ku jiro ayuu isbitaalka Yerdameli ku dhihi doonaa waa inaad qofkan soo Saartaa Raajada Xabadka (Chesk Scan) haddii kale kuuma qaabili doono !!!.

    – Isma aanan laheyn adigoo isbitaalka Jazeera kasoo helay raajadii laguu diray ayuu dhaqtar Turkey ah inta Jawaabta eego ku dhihi doonaa qofkaan (Oxygen la’aanta heyso) hasoo dajin. (Corona Corona Martiini Martiini) kaliya ayuu ku dhihi doonaa !!!.

    -Isma aanan laheyn Isbitaalka Martiini oo agab caafimaad oo tayo leh ay yaalaan ayaa ICU-da iyada oo xeran ugu tagi doontaa oo ruuxna uusan ku jirin, haddana shaqaalaha aysan awood u laheyn inay geliyaan ruux xaalad adag ku jiro balse aan Corona qabin !!! Ruux aan Corona qabin ma gelin karno, ileen wuu soo rogaal celinayaa.

    -Isma aanan laheyn Isbitaalka Somali-Sudanese ayaa lagu dhihi doonaa, Ambalaaska aad gabadha ka dajisay yeysan kaa tagin annaga kuma qaabili karnee !!! Balse ugu dambeyn ayey ku geeriyootay iyada oo Sariirta qolka gurmadka deg dega Saaran.

    – Isma aanan laheyn dalkeena, gaar ahaan isbitaalada Tirada badan ee Muqdisho ku yaalo Meel walbaana laga xayaysiiyo ayaa laga weyn doonaa (ICU) (ICU waa qeybta la geliyo qofka xaaladda liidata ku jira kana tirsan Isbitaalka) !!!.

    -Si gaar ah waxaan doonayaa inaan ugu Mahadceliyo shaqaalaha Isbitaalada, Martiini, Umma iyo Jazeera oo Tabar iyo awood yari ay u deyrisay balse dadaal xoogan bixiyay habeenkii Xaaskeyga Xanuunka dareentay balse Alle uu naga jeclaaday.

    Sidaasi oo ay tahayna waxaan aaminsanahay in raadkeeda uu ka qornaa Xaaskeyga inay meelahaasi ay tagto, dabadeedna ay geeriyooto.

    Mudanayaal iyo Marwooyin ruux kasta oo masuul ah ogaada maanta oo aad masuuliyadda heysaan, inaad xasuusnaataan dadka aad masuulka ka tihiin inay dhibaatooyin badan qabaan.
    Ruux walbaa marka ay baahi qabato ayuu ogaadaa macaanida Raashiinka noocuu doono ha -ahaadee, balse waxaan filayaa inay jiraan dad kale oo xanuuno kale dareemay, waxaan leeyahay sida loo badiyay goobaha waxbarashada si lamid ah haloo badiyo adeegyada Caafimaadka.

    Waan ogahay in madaxdeena iyo madaxda isbitaalada aysan wax walbaa ogaan karin waqtiga ay dhacayaan, balse waxaan leeyahay markey ogaadaan kadib, dadka dambeeyo haloo diyaariyo adeegyada Muhiimka ah (Mahadsanidiin)


    Marka aad Caafimad qabto ayaad wax baran kartaa, Marka aad waxbaratana Bulshada ayaad wax tari kartaa !!!. ALX Alle ayaa MAHAD LEH.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    147,592FansLike
    1,974FollowersFollow
    5,621FollowersFollow
    147,592FansLike
    1,974FollowersFollow
    5,621FollowersFollow

    TOP NEWS

    Ra’iisal wasaare Rooble oo bilaabay la-tashiyada magacaabidda Golaha Wasiirada (Wasiirada dib u soo laabanaya)

    Waxaa la filayaa inuu Ra'isal wasaare cusub dib u magacaabo tiro badan oo ka mida Golihii Wasiirada xukuumadii Xasan Cali Kheyre

    Qoyska Marxuumad Xamdi oo Digniin Culus soo saaray & Baareyaashii Kiiska oo isbedel lagu sameeyay

    Ehelada Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo Muqdisho lagu kufsaday, laguna dilay waxay sheegeen in mas'uuliyiin sare faragelin ku hayaan Kiiska, lana bedelay...

    Maxamed Xuseen Rooble: Ra’iisal Wasaare Afar Biloodle ah iyo 8-da Shaqo ee uu isu diray (Akhriso)

    Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe oo maanta 23-ka September codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu taariikhda ku...

    Golaha Shacabka oo Cod Aqbaliyad ah kalsooni ku siiyey Ra’iisal wasaare Rooble

    Codka Kalsoonida ayaa loo qaaday Ra'iisa lwasaare Rooble, waxayna natiijadii noqotay in Aqlabiyad lagu meel mariyo

    Madaxweyne Farmaajo: “Maxamed Xuseen Rooble waa Nin aan ku aamni karo xilka Ra’iisal wasaaraha..”

    Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan Ra'iisal wasarha uu soo magacaabay ee Maxamed Xuseen Rooble.

    Xaalad ka taagan Khudbadda Baarlamaanka ee Madaxweyne Farmaajo & Kalsooni siinta Ra’iisal wasaare Rooble

    Xildhibannada Golaha shacabka ayaa maanta kulan gaara oo ku saabsan Kalsooni-siinta Ra'iisal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, laakiin waxaa wehliya khudbad uu...

    Xildhibaan uga digay Madaxweyne Farmaajo inuu Baarlamaanka kala hadlo Heshiiskii Doorashada

    "Haddii uu isku dayo Madaxweynaha inuu Sharciga Doorashada Keeno Baarlamaanka Firimbi iska dhaafe Durbaanno ayaa ku yeerinaynaa.."

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!