Wednesday, July 2, 2025

Mareykanka oo Soomaaliya u soo tarxiilaya 100 Qof oo ay ku jiraan Dad qaba Cornavirus iyo… (Qeylodhaan)

100 Soomaali ah ayaa la filayaa in dowladda Mareykanka Berri (Khamiista iyo Jimcaha) ay dalkeeda ka musaaafuriso, iyadoo dib loogu celinay Somaaliya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ogolaatay.

Dadka Soomaalid ah ee Mareykanka laga tarxiilayo ayaa isuu jira kuwo sharciyo loo diiday, qaar dembiyo galay iyo qaar aan la ogeyn waxa loo heysto, oo uu ka mid yahay wiil 24 sano jir ah oo ay dhashay Hooyo Maryama oo ka mid ah dadka caruurtooda loo musaafurinayo Soomaaliya, iyadoo caddeysay Waxay sheegtay in wiilkeeda aanu dambi ah gelin.

“Anagana waan rafaadnay,qareenno badan ayaan u qabanay , in badan ayaan looyaro u raadinay, midkaan u tagnaba waa lagaga guuleystay kiiska, aad iyo aad baan u rafaadnay, waxaan aad iyo aad uga xumahay caruurtiisa yaryar iyo aabahood oo la kala kaxeynayo,waa caruur aad u yaryar, waa 4 jir, labo jir iyo wax aan sanad gaarin”, ayay tiri hooyo Maryan.

Qareen Jeylaani Xuseen oo ka tirsan Hay’adda CAIR ee u dooda xuquuqda dadka Muslimiinta Mareykanka sheegay in dadka la masaafurinayo ay tahay arrin siyaasadeed iyo olole doorasho oo Madaxweyne Trump uu wado, wuxuuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay joojiso arrintan.

Wuxuu intaas ku datay in dadka qaarkood ay ka xanuunsan yihiin dhimirka, qaarkood ay qabaan Cudurka Coronavirus iyo xaalado kale, oo aysan habooneyn in dowldda Soomaaliya ay aqbasho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON