Wednesday, June 25, 2025

Isu socodka Gaadiidka Magaalada Garowe oo xayiran & Gadoodkii ciidamada Daraawiishta oo socda

Gaadiidka isaga kala goosha gobollada Puntland ayaa xayiran iyadoo ay ciidamo gadoodsan ay joojiyeen isu socodkoda.

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta oo gadoodsan ee xalay qabsaday Koontaroolka Koonfureed ee magaalada ay gebi ahaan joojiyeen gaadiidka.

Koontaroolka ayaa sheegay inay hoganayaan gaadiid fara badan oo u badan kuwa xamuulka, kuwaasoo badeeco u kala gudbinayay Gobolla Mudug iyo Nugaal, waxayna ciidamada u diideen inay safarkooda wataan.

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo maamulka Puntland aanu wax war ah ka soo saarin xaaladda cakiran ee ka dhalatay mushaarka ciidamadaasi ka maqan oo muran ka taagan yahay.

Waanwaan ay wadaan odayaasha dhaqanka Nugaaleed ayaa socota si ciidamada loogu qanciyo inay ka tagaan koontaroolka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON