Wednesday, July 16, 2025

Isu socodka Laba kamida wadooyinka ugu mashquulka badan ee Muqdisho oo saaka la joojiyey

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la xiray isu socodka labada wado ee ugu mashquulka badan magaalada.

Ciidmada ammaanka ayaa joojiyey isu socodka Wadooyinka Maka Almukarama iyo Wadnaha, iyadoo gaadiidka loo diiday inay ka soo gudbaan wadadda Wadnaha oo ay gaaraan Wadadda Maka Almukarama, taasoo kenetay ciriiri weyn oo ku yimid wadadda Wadnaha.

Dhammaan wadooyinka yaryar ee isku jira labada wado sida Isgoysyada Sheekh Cali Suufi Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Jardiin ayaa loo diiday baabuurta dadweynaha iyo kuwa gaarka ah inay u gudbaan dhinaca kale.

Lama shaacin sababta  loo xiray wadooyinkan, waxayse la bilaabaneysaa maamulka cusub ee G/Banaadir saaka ka howlgalay oo xalka xilka la wareegay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON