Sunday, July 13, 2025

Itoobiya iyo UK oo noqday dowladihii ugu horeeyay ee u hambalyeeyay Xasan Sheekh

Dowladaha Itoobiya iyo UK ayaa noqday dowladihii ugu horeeyay ee hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hambalyadii ugu horeysay daqiiqado kadib doorashada Xasan Sheekh Maxamuud waxay ka timid Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya oo si weyn usoo dhoweysay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isna uu hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo farriin uu soo diray ku yiri: “Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan rajaynayaa inaan si dhow uga wada shaqeeynno danaha guud ee labada dal iyo kuwa gobolka”.

Dhinaca kale dowladda Ingiriiska ayaa noqotay dowladii labaad ee markiiba hambalyada u soo dirtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana markii hore farriin hambalyo ah dirtay safiiradda UK ee Soomaaliya.

Waxaa isla markiina hambalyo ka timid Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicy Ford oo farriinteeda ku tiri: “Hambalyo Xasan Sheek Maxamuud, oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, UK waxay rajeyneyaa inay sii waddo shaqada wada shaqeynta dhow ee ay Soomaalida uga taageereyso dhismaha xasilloonida, la dagaallanka Al-shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ba’an” .


Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah ee soo socota kadib markii uu xilkaasi wareejiyey shan sano ka hor.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON