Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ku dhawaaqay dad hor leh oo uu soo ritay cudurka Coronavirus, iyadoo dalalkaasi oo Soomaaliya deris la ah ay Jimcihii shaaciyeen kiisaskii ugu horeeyay ee cudurka.
Kenya ayaa Maanta oo Talaado ahayd looga dhawaaqay in laga helay kiiskii afaraad ee Coronavirus, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka ee Kenya Mutahi Kagwe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta in dad ka badan 100 qof ay Kenya ka baartay xanuunkan. Wuxuu caddeeyay in 71 qof laga waayay Coronavirus balse 36 qof oo kale il gaar ah lagu hayo xaaladooda.
Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka dowladda Itoobiya ayaa maanta shaacisay in kiiskii 6-aad ee Coronvirus laga helay dalkaasi, iyadoo qofkaasina uu yahay diblomaasiyad u dhalatay UK oo shalay kasoo duushay magaalada Dubai, kana degtay Addis ababa, da’deeduna tahay 59 sano jir. Haweeneydan ayaa la karaantiilay.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta baaq u diray shacabka dalkiisa isagoo ku boorriyey maalinta Sabtida ay ku duceystaan inuu ka dhammaado Cudurka.