Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa booqasho ku jooga dalka Itoobiya, wuxuuna la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Cumar C/rashiid iyo dhigiisa Itoobiya ayaa la sheegay inay ka wadahadleen xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka maleeshiyada Al-shabaab.
Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ayaa soo werisay in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu sheegay Itoobiya inay qeyb ka qaadan doonto sidii loo dhisi lahaa Milateriga Soomaaliya. Wuxuuna intaas ku daray in Itoobiya ay bixin doonto kaalmada looga baahan tahay si dib loogu dhiso awoodda ciidamada milateriga Soomaaliya ayna ugu filnaadaan sugidda ammaankooda.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa si weyn u bogaadiyay doorka Itoobiya ka qaadatay dagaalka Alshabaab iyo sidii loo wiiqi lahaa argagixisada
Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamo gaaraya 4900 ay ku biirisay AMISOM, laakiin waxaa Soomaaliya ku sugan ciidamo aad u fara badan oo aan hoos tegin AMISOM.
Goobjooge.com