Monday, July 14, 2025

Itoobiya oo Farriin kedis ku noqotay usoo dirtay Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa cusub [Akhriso]

Dowladda Itoobiya ayaa farriintii ugu horeysay gaarsiisay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo ku saabsan fulinta qorshe dib u habeyn ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya aya farriintan soo gaarsiiyay madaxweyne Farmaajo, waxayna dowladda Itoobiya si aan ka noqosho lahayn u fulineysaa qorshe ay ciidamadeeda aan ka midka ahayn AMISOM ugala baxeyso Soomaaliya, halka kuwa ka tirsan AMISOM dib loo meeleynayo.

Qorshaha dib u habeynta ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa saameyn ku yeelanaya ilaa 3 aag oo ay ka howlgalaan kuwaasoo kala ah: Gobollada Dhexe, Bay iyo Bakool, Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Gobollada ugu badan ee ciidamada Itoobiya laga saarayo  ayaa waxaa ka mida: Galgaduud, Hiiraan, Baym Bakool iyo Gedo, waxaana dib lo dhigay muddo sanad ah, kadib markii uu Itoobiya ka codsaday madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda cusub ee Farmaajo oo aan xiriir fiican la lahayn Itoobiya, isla markaana ka door biday Kenya ayaa hadda waxa ku soo furmaya aaggag baaxad leh oo baneynayaan ciidamada Itoobiya, kadibna ay Alshabaab la wareegi doonaan, taasoo maanta ka bilaabatay degmada Ceelbuur.

Goobjooge.com

Itoobiya oo qaadeysa tallaabadii ugu horeysay ee lagu wiiqayo dowladda Farmaajo [Akhriso Qorshaha cusub]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON