Tuesday, July 1, 2025

Itoobiya oo Hawada sare u dirtay Dayax-Gacmeedkii ugu horeeyay [Akhriso Yaa u sameeyay, kana bixiyey Kharashka..?]

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay hawada sare u dirtay Dayax gacmeed, kaasoo lagu sameeyay, lagana diray xarun ku taalla duleedka magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Xaflad saaka aroortii ka dhacday xarunta Mac-hadka Entoto ee baarista oo ku yaalla waqooyiga magaalada Addis ababa ayaa si toos ah looga daawanayey howsha dirista dayax gacmeedka, iyadoo ay ka qeyb galeen madaxda dalka Itoobiya iyo qeybaha shacabka ee dalkaasi, waxaana xubnihii ku sugnaa ka mida Ra’iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen.

Dayax-gacmeedka Itoobiya hawada sare u dirtay waxa lagu sameeyay dalka Shiinaha, waxaana ka qeyb qaatay Injineero Shiinees iyo Itoobiyaan ah, iyadoo kharashka ku baxay oo ka badan 7 Milyan oo Doolar ay 6 MIlyan oo Doolar bixisay dowladda Shiinaha, sida uu sheegay Agaasimaha Mac-hadka Itoobiya ee Sayniska iyo Teknolojiyada Solomon Belay.

Ujedka Dayax gacmeedka ayaa la sheegay inay tahay la-socodka cimilada iyo degaanka, isagoo ka qeyb qaadan doono horumarinta beeraha, macdanta iyo sidii looga gaashaaman lahaa abaaraha kusoo noqnoqday dalka Itoobiya.

Sidoo kale xukuumadda Addisabab ayaa sheegtay in dayax gacmeedkan lagu tababari doonaa injineerada dalkaas, waxaana ay intaa raacisay in saddeexda sano ee soo socoto ay hawada sare u diri doonaan dayax gacmeed kale oo dhanka isgaarsiinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON