Madaxweynaha K/Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo xalay ka hadlay xaflad lagu maamuusay sanadguuradii koowaad ee markii xilka loo doortay oo ka dhacay Magaalada Baydhaba ayaa dhaliil u Jeediyey dad uu sheegay inay caadeysteen been-sheegidda Maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo ku doodaya inuu xasuuq ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Lafta-gareen ayaa weerar ku qaaday syaasiyiinta kasoo jeeda degaano lagu dilay dad kasoo jeeda K/Galbeed, sida uu yiri oo mar waliba ka been sheega K/Galbeed, isagoo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku eedeeyay inay ka been sheegaan Arimaha K/Galbeed iyadoo doonaya inay ku xumeeyaan Dowladda Soomaaliya.
“Siyaasiyiinta mucaaradka iyagoon imaan Baydhabo ayay been ka sheegaan, ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay waa inay dowladda ku xumeeyaan, waxaa ku jira dadkaas kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer koonfur Galbeed ah gaar ahaan Gaalkacyo mana xishoonayaan, iyagoo qarinaya dadkii maalinta cad lagu dilay Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Federaalka ee kasoo jeeda degaanada uu tllmaamay Madaxweynaha K/Galbeed ayaa jawaab kasoo saaray arrintan, isagoo sheegay in Mooryaanka iyo Alshabaabka ay isku Khaanad ku jiraan oo aan loo baahneyn in la qabiileeyo.
“Madaxweyne Lafta Gareen mooryaantii Gaalkacyo dadka ku laayay ee dhamaanteen aan ka wada dhiidhinay. Si Ehelnimo, Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahna aan uga samafalnay hadii maanta uu nagu eedaynayo uuna leeyahay qabiil ayay ahaayeen waa nasiib daro aad u wayn. Gafna ku ah dadkeena!. Waxaan kuu sheegayaa Madaxweynow, hadii mooryaanka Gaalkacyo dadka ku laayay qabiil ahaan aad noo xijinayso adigana midka Alshabaabka ah ee maalin walba dadkeena ku xasuuqaya magaalada Mogadishu isku qabiil ayaad tihiin ee mas’uuliyadiisa adiguna qaado!” ayuu qoraalkiisa jawaabta ahaa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Doorashadii Baydhaba ee uu kusoo baxay Lafta-gareen oo ay dhaqaale iyo awood ciidan ku taageertay dowladda Soomaaliya ayaa noqotay tusaale xun oo mar waliba loo soo qaato marka laga hadlayo sida ay madaxda dowladda Farmaajo doonayaan inay ula wareegaan maamul Goboleedyada.