Saturday, July 12, 2025

Itoobiya oo ka hadashay Wararka sheegaya in Ciidamo Soomaali ah ka dagaalameen Gobolka Tigray

Dawladda Ethiopia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka la faafiyey ee sheeuaa in in Ciidamo Soomaali ah ay ka dagaalameen gobolka Tigray.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha Dibadda Ethiopia Dina Mufti, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Eritrean ah qayb qaateen weerarka lagu qaaday gobolka Tigray.

“Waan aragnay Wararka ku saabaan ciidamo Eritrean ah ay kasoo tallaabeen xuduudka Itoobiya.. waxaan kaloo arkeynaa warar la mida oo sheegaya in Ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb galeen dagaalka Tigray. Labadaas sheegasho waa been buur iyo War aan sal lahayn..” ayuu yiri Afhaeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti sida ay qoray shabakadda Bloomberg.

Heshiis saddex geesood ah ay galeen dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ayaa la sheegay inuu ka mid yahay iskaashi dhinac amniga ah, inkastoo heshiisaasi aan laga ansixin Baarlamaannada dalalkaasi.

Dhinaca kale Dawladda Soomaaliya ayaa hore u beenisay in Ciidamo Soomaali ah ay qayb-ka ahaayeen dagaalka Gobolka Tigray. Balse Waalidiin Soomaaliyeed ayaa dalbanaya in meel lagu sheego nolol iyo Gaari ciidamo loo qaaday dalka Eritrea.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON