Tuesday, July 15, 2025

Itoobiya oo ku dhawaaqday inay iibineyso Shirkadaha waaweyn ee Dowladdu leedahay

Dowladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday inay iibineyso shirkado waaaweyn oo ay dowladdu lahayd ka dhigaysa kuwa madax-bannaan, kuwaasi oo qeybo badan saamigooda laga iibin doono shirkaddo gaar ah iyo maalgashiyayaal shisheeye.

Tallaabadaasi ayaa qeyb ka ah isbeddellada uu Raisul-wasaaraha cusub ku sameynayo dalkaasi. Waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay ee Itoobiya ay ka dhacaan isbedello waaweyn oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.

Dowladda Ethiopia ayaa shalay ku dhawaaqday inay oggolaatay hirgalinta heshiiskii nabadda ee la kala dhex-dhigay iyagda iyo dowladda Eritrea, kaasoo oo dhigayay in Ethipia ay Eritrea ku wareejiyo magaalada Badwe ee xadka oo labada dhinac ay ku muran sanaayeen.

Guddiga fulinta ee isbaheysiga talada haya ee EPRDF ayaa sheegay inay u hoggaansami doonaan heshiiska Algiers ee lagu xukumay xuduudda kala qeybisa Eritrea iyo Ethiopia.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON