Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay maamulka Somaliland inay barakicisay kumanaan Oromo ah oo ku noolaa maamulkaasi.
Itoobiya ayaa sheegtay in Somaliland ay si sharci darro ah u soo barakicisay 3000 qof oo Oromo ah, kadib markii ay iska hor imaadyo ka dhaceen xuduudka Soomaalida Itoobiya iyo Oromada.
Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho ayaa saxafiyiinta ugu sheegay magaalada Adis ababa in xuduuuka Bari ee dhulka Oromada ay ka dhaceen iska hor imaadyo dhiig badan ku daatay, horaantii bishan oo si toos ah dadka Oromada ah loo bar tilmaameedsaday Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo aan la kala soocin.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in boqolaal ay ku dhinteen dagaalka dhex maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, iyadoo kumanaan kale ay ka qaxeen guryahooda.
Somaliland ayaan wax war ah kasoo saarin eedeynta uga timid Itoobiya.