Monday, July 14, 2025

Itoobiya oo shaacisay in Kiiskii ugu horeeyay ee cudurka Coronavirus laga helay dalkeeda.

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Qofkii ugu horeeyay ee qaba cudurka Coronavirus laga helay magaalada Addis ababa.

Duqa magaalada Adis ababa Tekele Umu Banti ayaa shaaciyey in qof u dhashay dalka Japan oo ku sugan magaalada Addis ababa laga helay cudurka Coronavirus, wuxuuna dadka magaalada kula taliyey inay ka fogaadaan goobaha dadka badan isugu yimaadaan ayna yareeyaan socodka.

Waa dalkii labaad ee Bariga Afrika oo shaaciya inuu soo gaaray cudurka Coronavirus, saacado kadib markii dowladda Kenya ay sheegtay in qofkii ugu horeeyay oo qaba cudurka laga helay, taasoo noqotay haweeney Kenyan ah oo ka timid Mareykanka, soona martay magaalada London.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON