Thursday, June 26, 2025

Itoobiya oo xayiraadii ka qaaday Telefishanada Gaarka ah iyo Website-yada ka horjeeday dowladda

Iyadoo ay xowli ku socdaan isbedellada uu la yimid Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta lagu dhawaaqay in xayiraadda laga qaadday in ka badan 250 TV iyo shabakado Internet oo hore looga xayiray dalka Itoobiya.

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha, Fistum Arega, ayaa sheegay in xorriyadda hadalka  uu yahay xaq aasaasi ah, helitaanka xogtana ay tahay arrin lagama maarmaan ah, iyadoo la fasaxay warbaahinta kala duwan ee hore xayiraadda u saarneyd.

Arrintan ayaa ka mida isbeddellada xoog leh ee uu Itoobiya ka wado ra’iisul wasaaraha cusub, waxaana warbaahinta la fasaxay ku jira qaar ay leeyihiin mucaaradka oo si weyn wax uga sheega maamulka dalkaasi.

In ka badan 10 sano ayaa maamulayaasha Itoobiya waxay aad u xannibeen in la booqdo Internetka, waxayna xireen Telefishanno fara badan iyo baraha bulshada qaarkood, wuxuuna dalkaasi ka mid ahaa kuwa ugu waaweyn ee aan laga ogoleyn saxaafad xor ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON