Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan oo wata Gaadiidka dagaal oo fara badan ay galabta tageen magaaladaasi iyagoo fariisimo cusub ka sameystay geesaha magaalada.
Dad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ay degaan Bariga iyo Waqooyiga Dhuusamareeb, halkaasoo ay fariisimo ka sameysteen.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka tageen Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, lama oga cidda halkaas u dirtay in sababaha ay u tageen midna, waxaana ciidmada Itoobiya ay yihiin kuwo iskood wixii ay doonaan u sameeya oo amarka ka qaata Adis ababa.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dagaal qaraar uu shalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo maleeshiyada Ahlu suna iyo ciidamo uu watay sarkaal hore uga goostay ciidamada dowladda uu lagu magcaabo Liibaan Maxamuud Madaxweyne.
Waxaa kaloo xusid mudan in magaalada Dhuusamareeb ay hore ugu sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhigoodu yahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb. Itoobiya ayaa taageerta kooxda Ahlu suna ee Gobollada Dhexe.
Goobjooge.com