Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo ay wehliyaan ciidamo caddaan ah oo loo maleynayo inay Mareykan yihiin ayaa duleedka Kismaayo ku qabtay xubno ka tirsan Alshabaab.
Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Alshabaab ka tirsan ee lagu qabtay howlgalkii u danbeeyay ay ahaayeen saddex maleeshiyo oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo uu ka mid yahay Itoobiyaan ka tirsanaa Alsahabaab.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa soo bandhigay Ragga ay ka qabteen Al-habaab, waxayna shaaciyeen inuu ka mid yahay ninkan Itoobiyaank ah ee Alshabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo miinooyinka dhulka.
Sarkaalka Itoobiyaanka ah ee Alshabaab laga qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay C/rashiid Mowliid Mubaarak, isagoo ka soo jeeda Qabiilka Waleyta Itoobiya.
Itoobiyaanka ka tirsan Alshabaab ayaa u yar, waxaana dadka qaarkii ay aaminsan yihiin inuu laba shaqo isku hayay, waxaana la wareegay ciidamada Itoobiya ee Kismaayo ku sagan.
Goobjooge.com