Wednesday, June 25, 2025

Jaakad ay xiratay Marwada koowaad ee Mareykanka oo muran weyn ka dhalisay Baraha bulshada [Daawo]

Marwada koowaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa si weyn loogu cambaareyay Jaakad ay u xiratay safar ay ku tagtay meel carruurta muhaajiriinta lagu hayo oo ku taalla Texas, xilli odaygeeda ka taliya dalka Mareykanka uu dib uga laabtay kala reebistii caruurta iyo waalidkood ee fadeexadda ka raacday.

Melania ayaa la arkay iyadoo xiran jaakad ay ku qoran tahay “Runtii Dan kama lihi ee adiguna?”, iyada oo markaas sii raaceysay diyaaradii ay ku safreysay, taasoo loo fasirtay inaysan dan ka lahayn caruurta ay booqaneysay ee laga reebay waalidkood, balse Afhayeen u hadashay ayaa sheegtay in aysan ahayn ku talogal cidna loola jeeday jaakadda ay dooratay Melania.

Jaakadda Zara oo 39 doolar la siiyo ayaa caro ka dhaliyay baraha ay bulshadu ku xiriiraan, waxaaa lagu weeraray marwada koowaad ee Mareykanka iyadoo si weyn loogu jeexjeexay shaqsiyada iyada iyo odaygeeda Donald Trump ee damiir la’aanta ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isku dayey inuu qiil u sameeyo arrintan, wuxuuna bartiisa Twitter-ka soo dhigay in jaakadda xaaskiisa “loola jeedo warbaahinta beenta ah”. Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa mar kale weeraray Trump iyo xeeladiisa uu ku qarinayo fariinta cad ee xaaskiisa.

Dadka qaarkood ayaa ku dhaliilay Melenia  ay ula kac u soo xiratay iyadoo heli kartay in ay xirato jaakado ka qaalisan oo caado ahaan qaataan madaxda iyo dadka magaca leh. Markii danbe oo ay diyaaradda ka degtay ayaa la sheegay inaysan xirneyn Jaakadii Muranka dhalisay oo ay iska saartay.

Image result for I REALLY DON’T CARE, DO U

Melania Trump ma aysan qabin jaakaddaas marka ay diyaaradda ka dagaysay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON