Thursday, March 28, 2024

Jaamacadda Carabta oo Somaliya ka taageereysa Abaaraha (Kulanka Xasan Sheekh iyo Abu-Qeyd

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Masar ayaa magaalada Qaahir kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd.

Madaxweynaha ayaa Xoghahaya Jaamacadda Carabta uga warbixiyay, xaaladda dalka iyo dadaallada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dib u dhiska dowladdnimada iyo la dagaallanka argagixisada Alshaabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Xoghayaha Jaamacadda Carabta iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii Ururka Jaamacadda Carabtu ay u dardar gelin lahaa gacanta howlaha gurmadka abaaraha iyo horumarinta, xal u helidda caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ay la tacalaayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ad

Axmed Abuu Al-qeyd ayaa xaqiijiyay in Jaamacadda Carabtu ay garab-taagan tahay qorsheyaasha dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna qoraal uu soo saarya ku sheegay in jaamacadda Carabta ay ka taageereyso Soomaaliya dhinaca gurmada Abaaraha iyo Amniga cuntada.

“Waxaan sharaf ii ah inaan maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaan u ballan qaaday in Jaamacadda Carabta ay garab taagan tahay sidii dalkiisa uu uga hortagi lahaa dhibaatooyinka abaaraha iyo cuntada”. ayuu farriintiisa ku yiri Xoghayaha Jaamacadda Carabta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON