Sunday, June 22, 2025

Jabhad ku kacsan Muuse Biixi Askar ku leysay Degaanka Gacan-Libaax iyo Amar..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal culus oo Degaanka Gacan-Libaax ee Gobolka Saaxil, kaasoo lagu dilay Ciidamda gaarka ah ee Booliska Somaliland.

Shir jaraa’id ayuu goor dhow caawa ka sheegay Taliyaha Booliska Somaliland Jeneral Maxamed S. Dabagale in dagaalkii Maanta ka dhacay Nawaaxiga Buurta Gacanlibaax lagu dilay 9 askari oo Boolis ah, laguna dhaawacay 17 kale.

Taliye Dabagale ayaa sheegay in ciidankiisu aanay qabin amar ah in ay dagaallamaan, balse caawa wixii ka danbeeya ay haystaan amarka ah in ay jabhaddaas la dagaalamaan.

Ad

“Jabhadda Gacan-libaax waxa arrinteedu saaran tahay Cirro – dadka wadaa kuwii gurigiisa ayey joogeen.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha-gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo eedeyn toos ah u jeediyay guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani.

Dhinaca kale, magaallooyinka Burco iyo Ceerigaabo ayaa waxaa maanta ka dhacay bannaanbaxyo rabshado wata oo looga horjeedo maamulka Muuse Biixi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON