Thursday, June 26, 2025

Jabhada Tigray oo dib u qabsaday magaalooyin iyo degaano ka tirsan Is-maamulka Amxaarada

Jabhadda Xoreynta Tigray TPF ayaa shaacisay inay dib u qabsadeen magaalooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay hore uga baxeen, kadib markii ciidamada dowladda Itoobiya ka baxeen.

Dagaalyahannada Tigray aya dib ula wareegaygacan ku haynta magaalooyinka Sikota, Hamuset, Willikh Maryam iyo Bogo, iyo waliba tuulooyin kale oo ku yaal xadka u dhexeeya gobollada Tigray iyo Amxaarada, sida uu sheegay afhayeenka jabhadda Tigray.

Dhinaca kale, ilo ka tirsan dawladda Itoobiya oo ku sugan gobolka Amxaarada ayaa xaqiijiyay ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee magaalooyinkaas oo ay maalmo ka hor dib uga qabsadeen dagaalyahannada Tigray.

Wararka ayaa sheegaya rogaal celinta Jabhadda Tigray ay ka danbeysay dagaal ay qaadeen ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyooyinka Amxaaradda ee iska difaacaya is-balaarinta Tigray, waxyna dhabrjab ku tahay dowladda Abiy Ahmed.

Dagaallada hubeysan ayaa ku fiday gudaha dalka Itoobiya, waxayna ciidmada Tigray horumar ka sameeyeen dagaalka tan iyo bishii June, iyadoo dib ula wareegeen inta badan gobolkooda, kadibna waxay bishii July bilaabeen duulaankii ay ku soo qaadeen gobolada Canfarta iyo Amxaarada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON