Friday, July 11, 2025

Jabhadda Tigray oo Aag cusub oo Dagaal ku furtay Itoobiya iyo Abiy Ahmed halis wajahaya

Jabhadda Tigray ee dagalaka kula jirta ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa Aag dagaal oo cusub ka furtay xuduudka Itoobiya iyo Suudaan.

Dowladda Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku eedeysay ciidamada Tigreega inay balaariyeen dagaalka, ayna aag cusub oo dagaal ka fureen Xuduudka Galbeed ee dalkaasi uu la wadaago dalka Suudaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Tigreega ee TPLF, Getachew Reda, ayaa ku eedeeyay Dowladda Ra’iisul Wasaar, Abiy Axmed, inuu doonayo“in uu sii balaariyo dagaalka, isagoo tobanaan kun oo askari u diraya dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Qaar kamid ah furimaha cusub ee ay dawladdu sheegtay, ayaa ku yaalla galbeedka gobolka Tigreega, halkaasoo ah goob lagu muransan yahay, oo ah aag ay hadda maamulayeen ciidamada Amxaarada, kuwaasoo daris la ah Tigreega, iyo ciidamada federaalka, balse ay Jabhadda Tigray dooneyso inay la wareegto.

Axmaarada ayaa ku doodeysa in dhulkani ay iyagu lahaayeen, balse ay Tigreega kala wareegeen markii ay awoodda badan ku lahaayeen Itoobiya, haddana ay dib ula soo laabteen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON