Jahbadda TPLF ayaa beenisay War ay faafisay dowladda Itoobiya oo ku saabsan inay maalmo gudahood ku qabsan doonaan caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle, kadib markii ay go’doomiyeen ciidamada dalkaasi.
Afhayeenka Jabhadda Tigray Getachew Reda ayaa ku dhaartay inay difaaci doonaan magaalada Makelle, isagoo sheegay in qasaare weyn gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, isla markaana ay aagag kala duwan dib uga waabiyeen ciidamada Itoobiya kuwa Eritrea oo uu sheegay inay kusoo duuleen Tigray. Wuxuu intaas ku dartay inay burburiyeen cutub ka mida ciidamada gaarka ah ee Itoobiya.
Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya Kenea Yadeta ayaa sheegay inay burburiyeen 80% hubkii waaweynaa ee Jabhada TPLF, isla markaana ay muddo maalmo gudahood ah ku qabsan doonaan caasimadda Tigray ee Makelle oo ay qorshe milateri ay u dejiyeen.
Wasiirka ayaa ku adkeystay in ciidamada Itoobiya ay maalmo Gudahood ka xoreyn doonaan magaalada Makelle Jabhadda TPLF, iyadoo inta badan Gobolka Tigray ay ciidamada Itoobiya qabsadeen, ayna is dhiibeen ciidamo badan oo Tigreega ka tirsan.
Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo Ra’iisal wasaaarha Itoobiya Ahiy Ahmed uu maanta magaalada Addis ababa kula kulmay Wakiilada Midowga Afrika u magacaabay xaaladda tagaalka Tigray, wuxuuna ku adkeystay in Itoobiya ay arrimaheeda gudaha xalin doonto, lana soo afjari doono dagaalka Tigray oo sharciga lagu soo celin doono Gobolkaasi.
