Thursday, June 26, 2025

Jabuuti oo ka hor timid in ciidamada Mareykanka ee dalkeeda jooga faragelin ku sameeyaan Itoobiya

Dowladda Jabuuti ayaa ka hor timid in ciidamada Mareykanka ay dhulkeeda u adeegsadaan faragelin ay ku sameeyaan dalalka dereiska la ah (Itoobiya).

Arintan ayaa timid markii Jeneraalka hoggaamiya ciidamada Mareykanka ee saldhigoodu yahay dalka jabuuti uu sheegay saameynta uu dagaalka Ethiopia ku yeelan karo gobolka Geeska Afrika, iyo sida ay ciidamada Mareykanka diyaarka ugu yihiin inay ka jawaabaan xasaradaha Gobolka. (Akhriso Warkan)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Jeneraal Willilam Zana, taliyaha saldhigga Lemonier [ee Jabuuti], wuxuu wareysi uu siiyey BBC-da ku sharxay sida ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti ay u fuliyaan howlgallo lagula dagaalamayo argagixisada iyo ilaalinta muwaadiniintooda haddii loo baahdo daad-gureyn.”

“Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyey in dhulka Jabuuti loo adeegsanayo farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah. Tani ma dhici doonto sababtoo ah dowladda Jabuuti waxaa ka go’an xiriirka ay la leedahay deriskeeda.”

Wasiirka Reer Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa intaas ku daray in Jabuuti ay qadarineyso iskaashiga muhiimka ah ee ay la leedahay Mareykanka, ayna hubanti tahay in iskaashigan aanu aheyn mid ka dhan dal kasta oo ay noqoto.

Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa inta badan loo adeegsadaa in laga qaado weerarada iyo howlgallada ka dhanka argagixisada, oo laga fuliyo meelo ay ka mid tahay Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON