Iyadoo uu weli Muqdisho ka socda shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa soo baxaya qodobo la isku gartay oo ku saabsan faahfaahinta heshiiska Heshiiska Doorashada Dadban 2020/2021.
Arrimaha lagu heshiiyay ee madaxdu isla meel dhigen waxaa ka mida: dhismaha guddiyada Doorashada ee Heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Guddiga xalinta khilaafaadka, waxaana la isla meel dhigay xilliyada ay dhacayaan doorashooyinka.
Doorashada Senatoorada Aqalka Sare oo soo hormari doonta ayaa loo qoondeeyay inay dhacdo bartamaha bishan Oktoobar ilaa bisha Novembar, halka doorshada xildhibaanada Golaha Shacabka la isla gartay inay dhacdo bilaha Novembar iyo Decembar 2020, halka guddoonka Baarlamaanka la dooranayo iyo Janaayo 2012.
Degaameyta Kuraasta Golaha shacabka ayaa waqti badan ku qaatay madaxda, waxaana maamul goboleed kasta loo asteeyay inay laba magaalo ka dhacdo doorashada, laakiin waxaa welin la dhammeystirin tirada kuraasta magaalo kasta lagu dooranayo.

Doorashada Madaxweynaha ayaa loo asteeyay inay dhacdo 8-da Febraayo 2021. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeysanaya inaysan doorashada dib uga dhicin xilligii la doortay isagoo aamisan in musharixinta la tartamaya aysan diyaar ahayn xilligaasi, isaguna uu heysto fursad.